مقارنة بين اتحاد الاروبي وجامعة العرب


ü     Ururka jaamacadda carabta waxaa la asaasay 12/march/1945

ü     Ururka midowga yurub waxaa la asaasay 1992

ü    Midowga yurub waxaa ku midaysan 23 dawladood oo la aqoonsanyahay

ü    Halka midawga jaamacadda carabtu ay ku midaysanyihiin 22 dawladood

ü    Dhanka midawga yurub waxaa ka sharciyaysan 23 luqadood oo si rasmi ah loogu hadlo

ü    Halka midawga jaamacadda carabtu ay wadaagan luqadda carabiga iyadoo ay soomaliya tahay dalka kaliya oo midawga ka tirsan oo aan af carabi looga hadlin

ü    Dhinaca diimaha midawga yurub waxaa laga aaminsanyahay dhowr iyo toban diimood oo kala duwan

ü    Halka midowga jaamacadda carabta ay diintooda rasmiga ah ay tahay diinta islaamka

ü   Dhanka maabka hadii aan eegno dalalka midowga yurub waa dalal kala fog oo aan isku dhawayn

ü   Laakiin dawladaha jaamacadda carabtu waxay leeyihiin xuduudo isku dhaw dhaw marka laga reebo masaafada yar oo ay ku jidho dawladda ERETERIA








GUULAHA AY GAAREEN LABADA MIDAW


  Midawga yurub wuxuu ku guulaystay in uu samaysto lacag midaysan oo ka dhaxaysa dhamaan wadamada ku jira midawga yurub

 Lkn midawga jaamacadda carabtu way ku guuldaraysteen inay sameeystaan hanaan lacageed oo midaysan

  Dalalka midawga yurub waxay ku guulaysteen in dadkoodu baasabor la,aan isu gudbi karaan

  Taa badalkeeda dalalka jaamacadda  carabtu waxay tarxiilaan muwaadiniinta kasoo jeeda dalalka ay midawga ku wada jiraan

  Dalalka midawga yurub waxay ku guulaysteen inay sameystaaan iskaashi difaac oo ay isku wada ilaaliyaan

  Nasiib darro dalalka jaamacadda carabtu  way ku guuldareysteen oo iyagaab colaadi ka dhaxeysaa oo lagu kala dhex jiraa


Sawir noocee ah bay u ekaan lahayd jaamacadda carabtu haday dhab u midoobaan?


  Ddalalka jaamacadda carabtu waxay dhul ahaan ku fadhiyaan 13.3milayuun KM   oo ka dhigan dalka labaad ee aduunka ugu weyn

      Tirada dadka jaamacadda carabta ku nool waa 386 malyan oo qof taas oo ka dhigan dadyawga sedexaad ee ugu  tirada badan waxaana ka tiro badan dadka china iyo hindiya oo kaliya

       Haddi midnimada carabtu hirgali lahayd oo dawlad noqon lahaayen wuxuu dhaqaale sanadeedkoodu noqon lahaa 2.75 tirilian oo ka dhigan wadanka afraad ee aduunka ugu dhaqaalaha badan  iyadoo jaamacadda carabtu ay yihiin wadamada aduunka ugu shidaalka badan

    Dhanka ciidamada   hadii jaamacadda carabtu ay ciidamadeeda isu geyn lahayd waxay tiro ahaan noqon lahayd 3 malyan oo askari oo ka dhigan wadanka aduunka ugu ciidamada badan





hadaba su.aasha isweydiinta leh waxay tahay maxaa hortaagan midnimada wadamada carabta ?





QORE:CABDULAAHI SHAAHID


Comments

Post a Comment

Thank you

Popular Posts