AAS AASKI SHIRKADA APPLE



Waa horaantii  sanadii 1976
 nolosha xilligaas jirtayna waxay ahayd mid ka duwan mida aan haatan ku noolnahay                                   
  wax badan oo manta aad u fudud na waxay ahayd waqtigaas mid aad u adag oo aan suurtagal ahayn                                                                      isgaarsiinta ugu fican ee xilligaas jirtayna waxay ahayd telephonada guryaha waxay ahayd mid ku adag dadka intiisa badan

Waxayna tani ahayd hordhaca iyo bilowgii technology da
1/april/1976 aya marki ugu horaysay (steve jobs iyo steve wesnier)
Bilaabeen shirkadda apple iyadoo da.da steve jobs ay waqtigaas ahayd 20 sano halka sxbkiisna UU ka weyna dhowr sano oo kaliya
Labada nina waxay ahaayeen drop out oo waxbarashada weyka saaqideen

Hadaba labadaan wiil wax dhaqaale ah ma aysan heysan waxayna shaqada ku bilaabeen geerashka guriga steve jobs waxayna uguntadeen sidii ay  u sameeyn lahaayen shirkad soo saarta computerda 
Waxayn soo amaahdeen qalabka hadwerka ee computerku ku shaqeeyo sababtoo ah wax lacag ah may san heysan waxayna balan qaaden inay mudo sodon casho ah inay isaga bixin doonan deynta lagu leeyahy
Inta wixi ka dameeyay waxay dhexda u xirteen habeen iyo maalina usoo jeeden sidii ay u sameeyn lahaayeen computerkoodu ugu horreeyay

Dadaal baa miro dhalee farxadoodi ugu horeeysay waxay kowsatay marki ay dhamaystireen computerkoodi ugu horeeyay oo ay ugu magac dareen ( APPLE 1)
Qiimah lagu iibinayay computerkaas wuxuu dhamaa $665 iyago ka iibiyay computerka 200 oo xabo intaas wixii ka dameeyayn waxay iska bixiyeen lacagti lagu lahaa

Computerkan apple 1 ma ahayn mid muuq iyo qaab ahaan toona aad ku suureyn doonto computer ma uusan lahayna shaashad sidoo kale ma uusan lahayn mouse iyo keyboard toona wuxuu na ahaa bilowgii personal computerka

Intaa wixi ka dameeyayna waxay uguntadeen dadaalka iyo horumar dheerad ah  ku bixiyeen siday usoo saari lahaayen computerkoodi labaad sanadkaa sanadkii xigayna waxay soo saareen computerkoodi labaad kaaso la oranjiray (APPLE 2) computer kan wuxuu ka duwana computerki hore wuxuna lahaa shaashad mouse iyo keyboard

Intaas wixi ka dameeyay waxay apple noqotay shirkad jirta suuqana kula tartanta shirkadaha xiligaas calan walaynayay ee Microsoft iyo IPM



1985 tii waxa shirkadda apple lasoo darsay Murano ay dhalisay suuq xumo lasoo daristay iyadoo eedaa dusha looga tuuray steve jobs oo ahaa asaasihii shirkadda
Waxaana shirkadda isaga tagay saamiyadii uu ku lahaana xaraashtay sxbkiis la asaay shirkada ee STEVE WASNIER

Intaas wixi ka dameeyayn waxa kulan dag dag ah yeeshay dhamaan dadki saamiyada kulahaa shirkadda waxaana la go,aamiyay in shaqada laga ceyriyo STEVE JOBS oo ahaa asaasihi shirkadda

STEVE JOBS  oo ka xanaaqay waxa ku dhacay wuxuu qiima jaban ku xaraashay dhamaan saamiyada uu ku lahaa shirkadda wuxuuna aas aasay shirkad lagu magacaabo

PIXER ANIMATION STUDIO  oo ahay shirkad soo saarta filimada cartoonka ah wuxuu ka faa iday shirkadaas dhaqaale aad u ballaaran iyo abaal marino qaali ah hdana waxa uu ku xijiyay shirkad lagu magacaabo NEXT

  12 sano Ka dib waqtigii shaqada laga eryay steve jobs oo ku began 1997 waxa shirkadda lasoo daristay khasaaro aad u ballaaran taaso ku dhawaatay in shirkada albaabada laysugu laabo ka dib marki ay shirkadda Microsoft ay suuqa gabi ahaantiisba la wareegay soona saartay windhows 95

Taasina ay sababtay in loo yeero STEVE JOBS dibna loo soo sasabo si uu shirkadda uga badbaadiyo in albaabada loo laabo steve jobs wuxuu markale kusoo laabtay shirkadda apple wuxuuna wax ka beddalay maamulki shirkadda  sanad ka dib soo laabashadi steve jobs waxay apple suuqa keentay computer aan noocisa horay loo arag oo lagu magacaabo  I MAC computerkaan waxay shirkadu ka faaiday malaayin doolarka mareykan ka ah

 iyadoo apple kazoo kabsatay suuq xumadi lasoo daristay
Sanadi 2001 apple waxay suuqa la shir timi operating system ka caalamka ka yaabsaday ee MACNITOSH OPERATING SYSTEM
Kaas oo ay shirkadu ka faaiday dhaqaale aad u ballaaan

Sanadii 2003 apple waxay soo saartay keydka music ee aduunka ugu weyn ee loo yaqaan (I TUNE)

 tan iyo intii steve jobs shaqada uu ku soo laabtana waxuu  horumarka apple noqday mid joogto ah
2007 dii waxay apple ku dhawaaqday wax caalamkoo dhan ka yaabsaday waa bilowgii talephonada caaqilka ah ee IPHONE

Iyadoo fikirka iyo ikhtiraca uu laha steve jobs waxay apple sanadkaas iib keentay telephone keedi ugu horeeyay ee IPHONE
Telephonekaas wuxu ka dhigay mobiladii computer yar oo aad jeebka ku ridanayso

2010 kii apple waxay suuqa keentay product casri ah looguna magac daray IPAD kaaso oo indhaha caalamka soo jiitay malaayin doolarn shirkudu ka faaiday

2011 kii waxaa cudurka cancerku dilay madaxi sare ee shirkadda ahaana ninkii aas aasay shirkadda apple STEVE JOBS  isagoo aha ninka leh farsamada iyo design ka inta badan waxay shirkaddu soo saarto
 
Tan iyo intuu dhintay steve jobs waxay apple kuso kordhisay product yadeedi waa aalada lagu magacaabo APPLE WATCH  oo ah saacad ku xirmaysa mobilada wax laga wici karo

Waxa ay apple haaatan qorsheynaysa soo saarista gaariga iskiis isku wada ee aan lahayn darawalka

Hadaba markaad ogaato in waxkasto aad aragto inuu sameeyay qof kula mida waa hubaal in aad aduunka wax kusoo kordhin karto
1976 Bilowgi asaaska shirkadd apple shaqaaluhu waxay dhamaayeen 2                   qof oo kaliya maanta shaqaalaha apple waa 115000 oo qof

Lacagti apple  lagu asaasay waxay ahayd deyn ama amah maantana saamiga dhaqaale ee apple wuxuu dhanyahay ($750 000,000,000)  tadoboqol iyo konton billion oo doolarka mareykan ka ah
Waxayn shirkadda ugu dhaqaalaha badan caalamka kaalinta 1aad hogaaminaysa halka kaalinda 2aad iyo 3aad ay ku jiraan shirkadaha MICROSOFT IYO GOOGLE

Dhismihi lagu bilaabay apple wuxu ahaa geerashka guriga steve jobs maantana baaxada dhul ee shirkada apple 18 kilo meter oo isku wareeg ah oo qiyaasti le,eg hal magaalo waxayna kale oo ay shirkadu leedahay 470 store oo kukala yaala 18 dal oo lagu iibiyo waxa ay shirkaddu soo saarto


QORE : CABDULLAAHI SHAAHID 

Comments

Popular Posts