tuugadii caqliga badnaa

Tuugadii caqliga badnaa


Laba nin oo tuugo ah baa waxay uso dhaceen qasri uu lahaa nin maal qabeen ah waxayna isla markiiba heleen khasnadii lacagta ugu jirtay ninkii maal qabeenka ahaa, waxaana usuurto gashay inay khasnadda furaan iyaga oo aan jabin

Lacagtii ayay saareen miis meesha yaalay dabadeed mid ka mida labadii tuug ayaa soo saaray turub wuxuu turubkii uqeybiyay sadex meel  ka dibna sadex koob ayuu khamro ku kala shubay  wuxuuna ku amray tuugii kale inuu daaro muusikada wiliba si cod dheer,

Ka dibna ku yiri fariiso aan cayaarnee   isla markiiba waxaa yimi maal qabeenkii laha qasriga oo maqlay musikada ka daaran qasrigiisa isagoo gacanta ku sita baaskoolad markuu arkay labdii tuug oo si baashaal ah u dhex fadhiya qasrigiisa wuxuuna ku yiri   “waa ina dilaya labadiina tuugada ah”

Tuugadi kama nixin hadalkii maalqabeenka cayaaristii turubka bayna sii wateen,  ninkii qasriga lahaa ayaa wacay booliska si deg deg ah bayna ku yimaadeen booliskii

Maalqabeenki baan yiri “labadaan tuugada ah waxaan ku qabtay iyagoo xadaya qasnadayda”

Tuugtii mid ka mid ah baa yiri “ninkaan waa beenlow  isaga ayaa noo yeeray si aan ucayaarno khamaar, markii uu khasaarayna wuxu lasoo baxay baaskooladiisii handaad ahaan wuxuna nagu yiri imaa in aad lacagtayda ii celisaan ama in aan booliska inii ku yeero ka dibna inuku eedeeye tuuganimo”

Asakarigii ayaa eegay koobabki khamriga iyo turubkii oo sadex u qeybsan iyo lacagtii oo saarnayd miis dushiis iyo muusikadii oo baxaysa wax walibana caadi yihiin  intaas ka dib  

                          Askarigii wuxuu rumaystay sheegashadii labadii tuug Waxayna lacagtii kala soo baxeen qasrigii iyagoo oo la ilaalinayo ninkii hantida lahaana xabsiga ayaa la dhigay si loo baaro.


Inta badan danbiyo ayay galaan ka dibna booliska ayaa amaankooda sugaya iyaga, alla maxa nin madluum ah uu dhex fadhiyaa gudcurka xabsiyada.

 


 Qore : cabdulaahi shaahid
 Xigasho : فوق السلظة لقناة الجزيرة    



Comments

Popular Posts