حكم واقوال تفيدك في حياتك
Xikmado cajiiba
Ninka gabadh qurux badan jeclaada fannaan ayaa ay ka dhigtaa
(Jacaylkeeda heesaha uu u qaadayo), ninka gurusadana shaqaale weyn ayaa ay ka
dhigtaa.
– Malo-awaal ayaad ku nooshahay haddii aad ismoodsiiso in
furaha aad gurigaaga ku xidhay aanay jirin cid kale oo kula haysataa.
– Gabadhu guurka waxa ay u taqaannaa in uu yahay
bar-dhammaadka geeddiga nolosheeda, laakiin ninku waxa uu u arkaa in uu yahay
mid ka mid ah meelaha geeddiga noloshu ku yara hakado, kadibna uu sii
ambaqaado.
– Ninku waxa uu gurigiisa ula dhaqmaa sida in uu yahay ruux
deggen guriga, laakiin gabadhu waxa ay jeceshay in uu qiro in uu gurigiisii
nolosha oo dhan yahay.
– Jacaylku gabadha dhiirrani ayaa uu ku abuuraa, ninkana
fulaynimo geliyaa.
– Ninku waxa uu ku faanaa, waxa aan kasbaday qalbiga heblaayo
iyo heblaayo … gabadhuna waxa ay ku faantaa waxa aan diiday hebel iyo hebel iyo
hebelo.
– Haddii labadaada saaxiib is khilaafaan, ha kala xukumin
adigu, waayo waxaa hubaal ah in aad midkood waayi doonto, laakiin haddii labadaada
cadow murmaan, kala xukun, midkood ayaa aad kasban doontaa.
– Adduunyada dumar baa loo abuuray; marka aad dhalato dadku
waxa ay ugu hor waraysanayaan caafimaadka hooyada, marka aad guursato waxa ay
waraysanayaan quruxda gabadha, haddii aad dhimatana imika carruur ah ayaa uu
gabadha uga tegey ayaa ay is weydiinayaan.
– Nolosha ha iskaga dhigin dhab, haddii kale nolosheeda kuma
sii jiri kartid.
– In aad jeclaato oo aad hesho qofkii aad jeclaatay, waa
macaanka ugu weyn dunida, laakiin in aad jeclaato oo aad weydo qudheedu waa
macaanka labaad ee nolosha.
Jacaylku waa shaqada qofka bilaa camalka ah, iyo nasashada
qofka shaqeeya.
– Qof aan sabir lahayn jacayl kama guul gaadho.
– Bariga gabadhu wejiga ayaa ay qarsataa, galbeedkana lugaha.
– Jacaylku waxa uu keliya ku noolaan karaa hadal cad oo aan
waxba la isku qarin,
taasina waa dhaqan aanay gabadhu jeclayn.
taasina waa dhaqan aanay gabadhu jeclayn.
– Guurka iyo gabowguba ninka waa u edbin iyo anshax barid.
– Gabadha waxaa laga abuuray laf ninka ka mid ah; laakiin
madaxa lagama soo saarin laftaas si aanay ninka u xukumin, lugihiisana lagama
saarin si aanu ugu tuman, laakiin dhinaciisa ayaa laga saaray si ay markasta
hareer taagnaato. Weliba gacmihiisa hoostooda si ay uga agdhowaato wadnihiisa
si uu u jeclaado.
– Guurku lammaanaha hal qof ayuun baa uu isaga dhigaa,
laakiin labadooda ka uu halkaa qof noqonayo ayaa ah sirta aan guurka ka hor la
sii ogaan karin.
– Gabadha ninka hanataa waa ta in ay bakayle fulay ah ka
dhigto, isagana mar kasta u sheegta in uu libaax yahay.
La doodista dumarku waa dugsiga ugu fiican ee lagu sheegan
karo aftahannimo, waayo waa hadal aan kaaga baahnayn maangalnimo in aad u
eegto, iyo in aad hubiso in waxa aad leedahay uu yahay wixii run ahaan
niyaddaada ugu jiray.
– Ninku waxa uu u guursadaa raaxo doon, gabadhuna waxa ay u
guursataa barasho doon, labaduudubana doonistooda waa ay ku hungoobaan.
– Mar kasta oo jacaylka lammaanaha ka dhexeeyaa yaraado,
waxaa korodha ceebta uu midiba kan kale ku arkayo.
– Nin gabadh guurkeeda ku eexaystay lacag iyo adduun waa nin
go’aansaday in uu xorriyaddiisa dhammaanteed iibiyo.
– Qofka caqliga lihi waa ka si waalli ah wax u jeclaada.
– Gabadhu iyada ayaa samaanta iyo samofalkaba ragga bartay.
– Gabadha aad jeceshay maalkaaga ayey qaadataa, laakiin
gabadha aad guursataa maalgaaka iyo adigaba waa ay idin qaadataa.
– Ninku waxa uu gurigiisa galaa isaga oo ku faraxsan in uu
gurigii galay, waxa aanu ka baxaa isaga oo ku faraxsan in uu mar uun bannaanka
uga soo baxay.
– Marka aad faras ama gabadh dooranayso, hawl kale ha gelin
ee inta aad indhaha isku qabato Alle talo saaro.
– Gabadhu bulshada dhexgelkeeda waxa ay nacdaa hadba inta ay
quruxdeedu tahay. (Maalinta ay qurux badan tahay ma jecla in ay bulshada ka
fogaato, maalinta ay qurux badan tahayna cidi in ay aragto ma jecla)
– Guurka kadib ninku waxa uu eegaa xaaskiisa, markaasaanu
arkinba, (Sidii uu u fahmi jiray uma fahmo), gabadhuna iyada oo aan eeginba
ayaa ay aragtaa ninkeeda.
– Cimrigeenna marka laba loo qaybiyo, qaybta hore waxa
waqtiga ugu badan aynu ku qaadannaa in aynu ka fikirno mustaqbalka oo dabcan ah
qaybta dambe, marka aynu qaybta dambe gaadhnana waxa aynu waqtigeenna ugu badan
ku qaadannaa in aynu u oyno qaybtii hore ee aynu ka soo gudubnay.
– Lammaanaha farxadda ku waaraa waa kuwa sida maqaska noqda
ee mar kasta u dhaqaaqa laba jidh oo iska hor imanaya, ciddii soo dhexgashana
sida maqaska u jara.
– Gabadhu waxa ugu badan ee ay guurka kadib ka shaqaysaa waa
in ay maskaxda ninka ku beerto dareen ah in uu gaboobay, aad u taagdaran yahay,
kifaac adduun oo dambana aanu geli karin, sababta ay sidaa u leedahayna waa in
aanu u qaadan in gabadh kale wax ku fali karto.
– Noloshu iyadaaba cudur ah, waxaana caddaynaysa sida ay
geeri ugu dhammaanayso.
– Dhakhaatiirta casrigan ma’ fahmo, waayo sidii waayo-waayo
lagu yaqaannay bukaanka dawo uma qoraan, ee cudurka laftiisii ayey dawada ku
daweeyaan
Gabadha Talyaani haddii aad jacayl u sheegato kuma
rumaysanayso in aad dhab u jeceshay illaa aad darteed dhagar u gasho, Gabadha
Inigiiris jacaylkaaga ma rumaysanayso illaa aad xoolo badan ku bixiso. Laakiin
gabadha carbeed in aad jeceshay waxa ay rumaysanaysaa oo keliya marka aad
guursato.
– Dagaalku waxa uu leeyahay xeer la iska yaqaanno oo ah,
“Goob kasta oo la go’doomiyo, gurmad dibadeedna aanu u iman, waxa ay ku
dambaysaa uun in ay is dhiibto” Haddaba dumarkuna waa sidaas oo kale uun.
– Inta ay gacantaadu furantay laba shay ayuun baa la hubaa in
aad hayn karto, waa dhibicda maadadda Meerkeriga (Mercury) iyo gabadha,
maalinta aad gacanta isku xidho ayaana labadaba kuugu dambaysa.
– Ninku gabadha jecel laba siyood ayuun baa uu ku dili karaa;
Waa dilka caadiga ah iyo dilka kale oo ah in aad jeclaato gabadh kale.
– Jacaylku waa in laba qof isku mar danaysteyaal noqdaan.
– Marka aad aragto gabadha oo muraayadda la isku eego ka
cabanaysa, waxa aad garataa in ay gabowday.
– Inanta caqliga badani ninka ma raadsato, xitaa haddii ay
jeceshay, waayo ugaadhu ma eryato ugaadhsadaha.
– Xaqa sheeg aad saaxiibba weydid ee.
– Ninku mabda’ uu qabo awgii ayaa uu u gawracaa qof kasta,
gabadhuna qof ay jeceshay dartii ayaa ay mabda’ kasta uga tallaabsataa.
– Ninku afada uu guursanayo indhihiisu waxa ay arkayaan oo
keliya kuma xusho, balse dhegihiisuna xulashada waa ka qayb. (Ereyada ay
leedahay ayaa muhiim u ah).
– Dareenka jacayl haddii afku sheegi kari waayo, indhaha ayaa
uu ka soo baxaa. (Indhaha qofkaa laga gartaa)
– Ninka halka ugu dambaysa ee dhimataa waa qalbigiisa,
gabadhana waa carrabkeeda.
– Lammaanaha is qabaa si ay farxad iyo isfaham ugu noolaadaan
waxaa muhiim ah in labadooda midkood uun garaad badnaado, (Haddii ay labaduba
garaad badnaadaan is hoggamaaminta ayaa lumaysa)
– Nin jilicsan ama aadka u dabacsan gabadhu waa ay
ixtiraamtaa, laakiin ninka qallafsan ayaa ay jeceshay
– Qof kasta waxaa ku lammaan tuug xariif ah oo xadaya
dhalinyaronimadiisa, tuuggaas magaciisu waa ‘Waqti’
– Guurku waxa uu ku bilowdaa, bisha kalgacalka, waxaa xigta
bisha hadalka, waxaa xigta bisha riyada, kadib waxaa bilowda bilaha murugada.
– Haddii aad aragto gabadh ka sheekaynaysa ninkeeda oo ku
tilmaamaysa qurux iyo dhammaystirnaan ama ragannimo, waxa aad ogaataa in ay
carmal tahay… Gabadhu khudradda bisil intay haysato ma jecla ee marka ay
khaayisto ayey wanaaggeeda garataa.
– Raggu laba qolaba doorashadooda kuma fiicna. Dumarka/xaaska
ma dooran yaqaannaan, cadowgoodana sidaas oo kale.
– Jacaylku gabadha karaamo dhawrashada ayaa uu ka qaadaa,
hinaasuhuna jacaylkuu illowsiiyaa.
– Gabadh jacayl neceb waa gabadh jacaylka hoog ka soo martay
uun
– Gabadha daba orod waa ay kaa ordi, ka orod waa ay ku
daba ordi
– Gabadhu waa noole leh maskax awood u leh in hal mar ay 77
ra’yi/ wada xambaarto.
– Gabadhu waa sida adduunyada oo haddii aad jeclaato waa ay
ku dayaci, haddii aad dayacdana waa ay ku jeclaan.
– Gabadhu waa ay dhaaftaa qallafsanida iyo dulmiga lagula
kaco, laakiin abidkeed ma saamaxdo dayacaadda iyo danayn la’aanta ay la
kulanto.
– Gabadha ‘Haa’ deeda iyo ‘MAYA’ deeda masaafadda u dhexeysaa
irbad ma qaadi karto.
– Ninku wax yarna waa uu ku qancaa wax badanna waa uu fishaa,
gabadhuna wax badanna waa ay fishaa, waxyarna waa ay ku qanacdaa.
Ciqaabta ugu xanuunka badan gabadhu waa in ay daacad u noqoto
nin aanay jeclayn.
– Gabadha cafiska badani waa ta ceebaha ninka ku eegta il
keliya, tan kalana isku qabata.
– “Waxa aan ahay gabadh qurux badan, qalbi wanaagsan oo xitaa
hooyadaa kaa jecel” Waa sidaas aragtida gabadhu ku waajahdo ninka.
– Gabadha sharka badani haddii ay wax jeclaato dadka kale
ayaa ay dishaa, gabadha
sharafta samaha badanina haddii ay wax jeclaato nafteeda ayaa ay dishaa.
sharafta samaha badanina haddii ay wax jeclaato nafteeda ayaa ay dishaa.
– Guurku waa waxa koowaad ee uu faqiirku ku fikiro, waxa
labaad ee uu maalqabeenku ku fikiro iyo waxa ugu dambeeya ee uu ninka caqliga
badani ku fikiro.
– Haddaad aragto nin da’ yari shaqada kaga hawlgabay, ogow in
uu hayo shaqo kale oo jacaylka la xidhiidha.
– “Haddii aad doonayso in dumarku ku jeclaadaan u dhaqan si
dadka yaab ku ah. Waxa aan garanayaa nin caadooyin dadka ka yaabiya lahaa,
timaha waa uu la bixi jiray, dharka xagaagii ku habboon jiilaalka ayaa uu
xidhan jiray, dharka dugsoon ee qaboobahana xilli kulaylka ayaa uu xidhan
jiray. ninkaas dumar oo dhan ka daba dhacay”
xikmadahaan waxaa tarjumay website ka hargeysa.net
DIYAARSHE : CABDULAAHI SHAAHID
Comments
Post a Comment
Thank you