Soomaalidu halkee kasoo jeedaa
Hordhac
Umada soomalidu waxay ku nooshahy dhulka udhexeeya
jabuuti keenya ethopia iyo badweynta hindiya waa dhul cimiladiisu dhexdhexaad
tahay oo daaqa ku wanaagsan
soomaaliduna waa qawmiyad isku meel dagta oo bulsho kala qoqobtaa aysan
jirin
Taarikhda asalka soomalida aragtiyo kala duwan baa ka
jirta oo waaxaa ugu waaweyn labo aragti oo kala oranaysa soomaalidu waa CARAB
iyo AFRICAN
Hasa yeeshee xaga cilmiga casriga ah ee afka soomalida waxa la raaciyaa bahweynta kushitiga ee bariga qaaradda Africa
In soomalidu ay carab kasoo jeedo loo ma hayo cadeyn
muuqata aan ka ahayn abtirsiinyaha qabaa ilada ay sheegtaan
kuwaaso aan ku
salaysnayn xaqiiq
Inkastoo ay jiraan dad carab ah oo ku milmay
qabaailada soomalida.
Taarikhda isirka
soomaliya
Soomalidu ma isku isir baa?
Soomalidu waxaa la sheega inay ka koobantahay afar
qawmiyadood oo midba jiho gaar ah ka
timi ka dibna isku milmay
Qowmiyadd ugu horreysay ee soo gaadhay dhulka soomaliyeed
waxay ahayd qowmiyadda ugaarsatada oo haatan ka mid ah beelaha laga tiro
badanyahay waxaa la sheega inay
dadkan ay ka yimaadeen dhulki la oranjiray “MISUBUTAYNIYA”
Waxa hadana dhulka soomalidu soo gaadhay qowmiyad
kasoo hayaantay wuqooyiga qaaradda Africa waxaa qowmiyadda lagu magacaabi jiray
WARANLAY waxay ahaaayeen dad xoolo dhaqata ah waxayna xukunki kala wareegeen
dadki ugaarsatada ahaa maadama ay kabnaayeen kana hub fiicnaayeen
Waxaana hadda dhulka soomaalida soo gaadhay
qowmiyadda baantuuga la yiraahdo kuwaas oo soomaliya kasoo galay dhanka
koonfureed iyagoo soo raacay wabiyada jubba iyo shabeelle
Qowmiyadda ugu dameysay ee soomaliya timid waxay
ahayd dad kasoo hayaaamay jasiiratul carab iyagoo u imaan jiray qaab ganacsi ah
lkn markuu islaamku yimid qawmiyadaas waa sii kordhayeen oo aad usoo badanayeen
sababo la xidhiidh diin faafid
Afartaas qowmiyadood ay ugu xoogwaynayd qowmiyadda
waranlayda wada jirkooda waxaa ka dhashay dadka loo yaqaan qawmiyadda
soomaaliyeed
Maxa
soomalida isku af ,dhaqan,iyo isku diin ka dhigay
Sidaan soo sheegnay soomaalidu waxay ka soo jeedo afar
isir oo kala duwan haddaba waxaa sahlay in soomaalidu isku af iyo isku dhaqan
noqoto waxaa keenaya dhowrkaan qodob ee soo socda
ü Soomalidu
waxa ugu badan ay dhaqan jirtay wuxuu ahaa geela kaas oo sababaya soomaalidu
inay hayaan badnayd ,
Hayaaankaas wuxuu sahlaya in ay
badato soomaalida xiriirkooda iyo is barashada dhanka luqadahooda
ü Soomaalidu
waxay ahayd dad aad isku dagaala oo colaad badan marka la rabo in colaad la damiyo
waxaa caado ahayd in gabdho lays dhaafsado taas oo soomalidu utaqaanay GODOB
TIR dhaqankaas wanaagsani wuxuu. sahlay
in ay aad isugu dhawaadaaan xiriirka afeed iyo midka dhaqan ee dadkii kala
isirka ahaa
ü Qawmiyadda
waranlayda oo ahayd mida ugu tirada badan dadyowga soomaliyeed waxay
bahwadaag dhanka afka ah la ahayd qawmiyadda ugaarsatada oo isla yihiin
kushitic
Taas waxay shiiqisay luuqadihii
qawmiyadaha baantuuga iyo afcarabiga oo laga xoog batay waxaana la wada qaatay
afkaan soomaliga oo kasoo jeeda luqadaha kushitic
TIXRAAC
Qormadaan waxa kasoo xigtay
buuga taarikhda iyo “luqadaha
soomalida” ee uu qoray:
Qoraa CUMAR CABDALLA MANSUUR
GUAANAD
Dadka soomalidu waa qawmiyad
africaan ah oo soo jireen ah
taariikhda
asalka soomalidu waa mid ku qotonta cilmi aad u baaxad weyn oo kasoo bilaabanaya kumanaan sano ka hor
dhalashadi nabi ciise
Bulshadaa soomaliyeed hayb ahaan
waxay kasoo jeedda qawmiyadaha kushitic oo ku abtirsada wiillki nabi nuux ee
xaam.
QORE : CABDULAAHI SHAAHID
its true
ReplyDeleteWoow thank you bro
ReplyDelete